SIDEE II CAAWIN KARAA SHAQAALAHA CAAFIMAADKA BULSHADU?
Haddii ay kugu adag tahay inaad kaafiso baahiyahaaga daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidii aad u heli lahayd ilaha bulshada si ay kaaga caawiyaan nolol maalmeedkaaga, Shaqaalaha Caafimaadka Bulshada ayaa ku caawin kara.
Waxaad ka faa'iidi kartaa la shaqeynta Shaqaalaha Caafimaadka Bulshada haddii mid ama dhowr ka mid ah odhaahyadan soo socdaa ay adiga ku khuseeyaan:
Waan ku wareeray sida loo daryeelo cudurkeyga dheeraaday ama xaaladdayda caafimaadka.
Waxaan u baahanahay in laygu caawiyo si la’ii fahamsiiyo sida nidaamka daryeelka caafimaadka u shaqeeyo.
Waan ku wareeray sida loo qaato daawooyinkayga ama waxa ay taraan.
Ma awoodo inaan qabsado ballamo caafimaad maaddaama ay gaadiid xumo i hayso.